Sheeg Waxa Ay Ku Kala Duwan Yihiin Nadarka Iyo Dhaarta?
Waxay Ku Kala Duwan Yihiin:Nadarku: waxaa af-carabi lagu yiraahdaa (النذر) waxaana loola jeedaa sheey aan qofka waajib ku ahayn laakiin uu asiga waajib uga dhigayo naftiisa, sida in uu yiraahdo “Haduu Illaahey wiil isiiyo ama igu arsuqo waxaan tukanayaa labo rakcad oo salaad shukri ah”, Qofka haduu sidaasi oo kale yiraahdo waxay ka dhigan tahay in hadii uu illaahey uu wiil siiyo ay waajib ku tahay in uu salaad Shukri tukado, salaada Shukrigana ma ahan salaad waajib ah, laakiin qofka asiga ayaa waajib ka dhigtay, Nadarku waa nooc kamid ah cibaadada, waxaana la doonayaa haduu qofka Illaahey uu shey u nadro in uu ka dhabeeyo wuxuu Alle u nadray.Dhaartu: waa inaad ku dhaarato magaca Illaahey, Inta badan dadku waxay dhaartaan markay rabaan in ay arin run ah ka hadlaan ama in hadalkooda la rumaysto, tusaale ahaan qofka in uu yiraahdo: “Wallaahi aniga walligay qof ma caayin”.
