Na Weydii Suaal

SUAAL

Sheeg Kuma Ayaa Amray In Nabi Yuusuf (CS) Xabsiga Laga Sii Daayo?

JAWAB

Qofka Amray In Nabi Yuusuf (عليه السلام) Xabsiga Laga Sii Daayo Wuxuu Ahaa Boqorkii Masar.

Sababta uu boqorkii Masar u amray in nabi Yuusuf xabsiga laga sii daayo waxay ahayd, wuxuu boqorka ku riyooday riyo, kadib riyadii qof u fasira ayuu waayey oo waa ay fasiri waayeen mufasiriintii riyada u fasiri jiray, kadib nin kamid shaqaalihii boqorka oo ay nabi yuusuf waqti hore xabsiga isugula jireen ayaa yiri, “aniga ayaa aqaana qof fasiri kara riyadiina” markaa ayuu nabi yuusuf xabsiga ugu tagay si uu u waydiiyo riyada fasirkeeda, kadibna nabi Yuusuf riyadu ayuu fasiray, kadib ninkii boqorka ayuu ku laabtay una sheegay riyada fasirkeeda, markaa kadib ayuu boqorkii amray in nabi Yuusuf laga soo saaro xabsiga. Qisadani waxay kusoo aroortay Suuratu Yuusuf (سورة يوسف) aayadaha 43 – 56