Na Weydii Suaal

SUAAL

Kumuu Ahaa Qofkii Ugu Horeeyay Ee Dhirta Qaxwada Helay?

JAWAB

Marka Laga Hadlayo Qofka Ugu Horeeyay Ee Dhirta Qaxwada Helay Majiraan Warbixino Sax Ah Ee Laga Haayo, Hase yeeshee waxaa jira sheekooyiin kala duwan ee ay dadku wadaagaan kuwaasi oo an la xaqiijin karin sax-nimadooda, Waxaana Kamid Ah Sheekooyinkaas:Nin qowsaar ama ari jire ah oo la oran jiray “Alkhalidi” oo ku noolaa dalka Itoobiya ayaa maalin maalmaha kamid ah wuxuu arigii uu raacayay daaqsiiyey dhir waxey tahay xilligaas aanla garan jirin hase yeeshee kolkii ay xoolihii dhirta daaqeen waxey bilaabeen dhaqdhaqaaq ama firfircooni, kadib ninkii qowsaar ahaa ayaa arintaasi ku baraarugay waxeyna la noqotay la yaab, maalmo kadib ayuu hadana ninkii qowsaar ahaa xoolihiisii daaqsiiyey isla dhirtii uu hore u daaqsiiyey, kadib wuxuu arkay in xoolaha dhaqdhaqaaq iyo firfircooni uusan uga baran ay sameeynayaan, markaa kadib ayuu qowsaarkii is yiri “hadii ay xooluhu markay dhirtan cunaan ay sidan noqonayaan anigana maan tijaabiyo” kadibna qowsaarkii dhirtii ayuu qayb kamid ah kasoo goostay kadibna dhadhamiyey, kadibna sidoo kale wuxuu isagana isku arkay nashaad, waxaana sidaa lagu ogaaday dhirta qaxwada.

F.G: Sheekadani inay xaqiiq tahay iyo in ay been tahay lama oga!