Na Weydii Suaal

SUAAL

Waa Maxay Xadiis?

JAWAB

Xadiis Waxaa La Yiraahdaa: Wax Kasta Ee Khuseeya Nabi Muxamed (صلي الله عليه وسلم) Oo Isugu Jira Hadalo Uu Yiri, Sifooyiinka Uu Lahaa, Dhaqanka Uu Lahaa Iyo Waxa Uu Sameyn Jiray Iyo Siiradiisa, Kuwaasi Oo Ay Asxaabta Allah Ka Raali Noqdee Kasoo Wariyeen, Xadiiskana Wuxuu U Qaybsamaa Labo Qaybood Oo Kala Ah: Xadiis Nabawi Iyo Xadiis Qudsi.