SUAAL
Waa maxay Jihaad?
JAWAB
Jihaad waa musdhalax islaami ah oo macnahiisa marka lasoo koobo loola jeedo, in xumaha la reebo wanaagana la faro, sida in naftaada aad xumaha ka reebto wanaagana ku dhaqanto waa mid kamid ah noocyada jihaadka waana midka loo yaqaano ‘Jihaadka Nafta‘.
Sidoo kale jihaadka noocyadiisa waxaa kamid in cadow kusoo duulay muslimiinta lala dagaalamo, waana artinta dadka badankoodu niyadoodu kusoo dhacda markey ereyga Jihaad maqlaaan.
Saan hore usoo sheegnayba Jihaad wuxuu noqon karaa shey kasta oo xiriir la leh, la dagaalanka xumaha ama waxa uusan Allah raali ka aheyn.
