Na Weydii Suaal

SUAAL

Waa maxay Data Science iyo waxa loo isticmaalo iyo faa’iidada ay Lee dahay barashadeeda?

JAWAB

Data Science waa cilmi kamid ah culuumta kumbiyiitarka oo intiisa badan lagu barto arimo la xiriira datada sida uruurinta, keydinta, habeynta, daraaseynta, taxliilinta datada.

Cilmiga Data Science wuxuu xiriir la leeyahay qeybo kala duwan oo aan kusoo koobi karno sedax qeyb oo kale ah:

  1. Computer science:
  2. Statistics & Math
  3. Business

Data science ma ahan hal shey oo si toos ah loo sheegi karo, hase yeeshee waa dhor shey oo marka ay isu yimaadaan loogu yeero Data science oo dhamaanna la xiriira datada.

Cilmiga Data Science waxaa loo isticmaali karaa arimo dhowr ah, tusaale ahaan shirkadaha waaweyn ee baraha bulshada iskaleh sida Facebook iyo Youtube, waxey u isticmaalaan inay kuusoo bandhigaan content kugu haboon adiga, tusaale ahaan hadii aad tahay qof inta badan youtube cayaaro ka daawada, waxaad arkeysaa in markasta aad youtube-ka gasho waxa kaasoo hor baxaya ay yihiin wax la xiriira cayaaraha ama waxa aad inta badan daawatay.

Waxaa laga yaabaa inaad hore u maqashay waxa loo yaqaano Artificial Intelligence ama AI, sidoo kale asigna waa qeyb kamid ah waxa loogu yeero Data Science.

Faa’idada barashada Data Science uu leeyahay waxaa kamid ah:

  1. Shaqooyiinka la xiriira Data Science waxaa lagu tiriyaa kuwa ugu mushaarka badan.
  2. Barashada Cilmiga Data Science wuxuu kuu suuragalinayaa inaad fahanto habka iyo nidaamka ay datada kaaga uruuriyaan shirkadaha waaweyn ee xakameeya baraha bulshada.
  3. Barashada Cilmiga Data Science wuxuu baraya waxa loo yaqaano Problem solving.