Na Weydii Suaal

SUAAL

Sheekh Aayada Kaliya Ee Makkiga Ah Ee Suurada Anfaal?

JAWAB

Waa Aayada 33 Oo Ah: (وَمَا كَانَ اللَّهُ لِيُعَذِّبَهُمْ وَأَنْتَ فِيهِمْ ۚ وَمَا كَانَ اللَّهُ مُعَذِّبَهُمْ وَهُمْ يَسْتَغْفِرُونَ).

Suuradaha quraanka kariimka waxay u qaybsamaan labo nooc oo kala ah “Makki” iyo “Madani”, Suuradaha Makki loo yaqaano waa suuradaha rasuulka kusoo degay asigoo magaalada Makka Al-mukarama ku sugan, halka suuradaha Madani loo yaqaano ay rasuulka kusoo dageen asigoo magaalada Madiina Al-munawara ku sugan, hase yeeshee waxaa jira suurado qaar oo aayadahooda isugu jira Makki iyo Madani, sida suurada Anfaal aayadaheeda oo dhan waa Madani marka laga reebo aayadeeda 33aad oo aan soo xusnay.