Na Weydii Suaal

SUAAL

Sheeg suurada uu Nabiga  ﷺ  ku booriyey iney bartaan gabdhaha?

JAWAB

Waa Suurada Alnuur (سورة النور).

Fiiro Gaar ah:

Dhamaan axaadiista kusoo arooray in uu rasuulka ﷺ ku booriyey in gabdhaha ay bartaan ama la baro suurada Alnuur waa axaadiis isugu jira kuwa daciif ah, kuwa baadil ah iyo kuwa mowduuc ah ee rasuulka lagu been abuurtay.

Sidaa darteeda ma jiro xadiis saxiix ah ee laga soo wariyey rasuulka  ﷺ oo sheegaya in rasuulka  ﷺ uu ku booreyay gabdhaha iney bartaan ama la baro suurad gaar ah.