Na Weydii Suaal

SUAAL

Sheeg Suurad Hadaad Akhriso U Dhiganta Sida Qof Akhriyay Kun Aayadood?

JAWAB

Waa Suurada Al-Takaathur (سورة التكاثر).

Rasuulka (NNKH) waxaa laga wariyey in uu yiri ((midkiina miyuu san awoodin in uu maalin kasta akhriyo kun aayadood)), Waxay dhaheen (saxaabada) kuma ayaa awoodi kara inuu kun aayadood akhriyo maalin kasta, Wuxuu yiri (Rasuulka) ((Miyuusan Awoodin Midkiin In Uu Maalinkii Akhriyo Al-Haakum Al-Takaathur (الهاكم التكاثر).

Xadiiskani waxaa soo saaray Al-xaakim Niisaabuuri (الحاكم النيسابوري), wuxuuna sheegay in dadka uu kasoo wariyey oo dhan ay yihiin dad lagu kalsoon yahay (oo aan been lagu ogayn), hase yeehee, sheekh Albaani (الباني) ayaa sheegay in xadiiskani uu yahay mid daciif ah.