SUAAL
Sheeg sanadkii la helay Qaarada Amerika?
JAWAB
Waxaa la sheegaa in sanadkii 1492 miilaadiga uu bad mareenkii Christopher Columbus uu helay qaarada Amerika, hase yeeshee Christopher Columbus ma aheyn ninkii ugu horeeyay ee qaarad Amerika helay, maxaa yeelay markuu qaarada Amerika helayay waxaa ku dhex noolaa qoomiyado kale oo Christopher Columbus hortiisa yimid qaarada Amerika, sidaa darteeda sanadka saxda ee markii ugu horeeysay la helay ama la dagay qaarada Amerika taarikh qoreysa ma jirto, taarikhaha inta badan arintaasi wey isku khilaafaan.
