Na Weydii Suaal

SUAAL

Neefka Geela meeqo liitar biyo ah ayuu cabaa halkii mar?

JAWAB

Cabida biyaha ee Geela waxey ku xiran tahay hadba xaalada uu markaa ku sugan yahay iyo deegaanka uu ku noolyahay.

Geela sida caadiga ah wuxuu halkii mar cabaa 70 liitar.

Geela haduu saa’id u ooman yahay wuxuu halkii mar cabaa ku dhawaad 225 liitar.

Saan horey u sheegnay Geela xadiga biyaha uu cabaayo waxuu ku xiranyahay hadba xaaladiisa iyo deegaankiisa.