Nagu Saabsan
Shabakada Suaal.
Suaal.so waa shabakad suaalo iyo jawaabo af-soomaali ah oo loogu talagalay qof walba ee doonaya inuu jawaab u helo su’aashiisa.
Shabakadani waxey kuu suuragalineysaa inaad suaal kasta jawaab u hesho, xitaa hadii aad suaasha aad raadineyso aad ka dhex weydo website-ka waxaad awood u leedahay inaad qeybta suaalaha laga weydiyo aad ka weydiiso.
Noocyada Suaalaha Aad Ka Dhex Heli Karto Shabakada Suaal.so.
Shabakada suaal.so waxay diirada saareysaa dhamaan noocyada suaalaha, taa oo ka dhigan inaad ka heli karto suaal nooc kasta ah, hadii aad weydana aad weydiin karto suaal nooc kasta ah.
Noocyada suaalaha waxaa kamid ah:
- Diini
- Taariikh
- Saynis
- Quraanka kariimka
- Arimaha Bulshada
- Xisaab
- Cayaaraha
- Caafimaadka
- Dhirta
- Xayawaan
- Ganacsiga
- Luqad
- Shaksiyaad
- Qeexitaan
- iyo noocyo kale.
Kalsoonida Jawaabaha Shabakada Ay Bixiso.
Dhamaan jawaabaha ay shabakadu bixiso waa kuwo lagu kalsoon yahay oo la hubiyay, hadii aad la kulanto suaal jawaabteeda ku qancin weysay ama aad aaminsantahay iney khaldantahay waxaad si toos ah ula xiriiri kartaa shabakada si loo hubiyo jawaabta suaasha mar kale.