Na Weydii Suaal

SUAAL

Muxuu Yahay Xiriirka Ka Dhaxeeya Dhirta Iyo Xayawaannada?

JAWAB

Marka laga hadlaayo xiriirka ka dhaxeeya dhirta iyo xayawaanka, waxaa marka hore muhiim ah inaad ogaato in dhamaan noolaha ku nool dhulka uu midba midka kale ku tiirsanyahay, sidaa darteed xayawaanada iyo dhirtaba waa labo noole oo midba ka kale ku tiirsan.

Xiriirka ka dhaxeeya dhirta iyo xayawaanada wuxuu noqon karaa mid muuqda iyo mid qarsoon, sidoo kale mid faaido leh iyo mid khatar u keenaya midkood.

Xiriirada ka dhaxeeya dhirta iyo xayawaanada waxaa kamid ah:

  • Quudasho:

Xayawaanadu waxey u qeybsamaan sedax nooc kuwo dhir quudata iyo kuwo hilibaha quuta iyo kuwo labada isla quuta, sidaa darteeda xayawaanada quuta dhirta xiriirada ayaga dhirta ka dhaxeeya waxaa kamid ah quudashadaasi ay xooluhu quutaan dhirta.

  • Tarmida

Dhirta waxaa kamid ah dhir aan iskooda u tarmin sidaa darteeda, waxaa jira xayawaannada qaar sida shinnida oo ka saacadiya dhirtaasi inay taranto.

  • Ilaalinta

waxaa jira xayawaanada qaar ee quuta xayawaano kale oo dhib ku haaya dhirta koriinkeeda, sidaa darteeda xawaynadaasi waxey dhirta ka ilaaliyaan xayawaanada kale ee dhirta dhibaya, sidoo kale waxaa arintanina lagu tirin karaa nooc kamid ah xiriirka dhirta iyo xayawaanada ka dhaxeeya.

  • Koriinka

Sida la ogyahay xayawaanada saxaradooda waxey faa’ido weyn u leeyihiin koriinka dhirta.

Intaasi aan kasoo hadalnay waa qeyb kamid ah xariirada ka dhexeeya dhirta iyo xayawaanada, laakiin waxaa warka lagu soo koobi karaa xaywaanada iyo dhirtu waa labo noole oo midba ka kale ku tiirsan yahay.