Na Weydii Suaal

SUAAL

Maxaa Laga Soo Gaabiyey Kalimada “OK” Muxuuse Micnaheeda Soomaaliga Noqon Karaa?

JAWAB

Kalimada “OK” waxay kamid tahay kalimadaha caalamiga ah oo luqadaha caalamka intooda badan adeegsada, Kalimadani wax laga soo gaabiyey oo la isku raacsan yahay majiro, si sax ahna looma oga xilliga ay soo bilaabmatay, hase yeeshee waxaa jira dadka qaar kamid ah oo aaminsan in laga soo gaabiyey “All Correct“, waxayna dhahaan maadama Kalimada “All” dhawaaqeeda ugu horeeya uu yahay “Ol“, Kalimada “Correct” dhawaaqeeda ugu horeeyana uu yahay “Korrect”, labadaasi dhawaaq marka la isku daro waxaa kasoo baxaya kalimada “OK” sidaasi ayey ka timid kalimadaan ayay dadku qaar yiraahdaan laakiinse wax daliil sax ah ma haystaan.Kalimada “OK” ma ahan kalimad micnayn ama faahfaahin u baahan, hase yeeshee waa kalimad uu fahmaayo qofka soomaaliga hadii aad kula hadasho, laakiin hadii la yiraahdo kalimad soomaali ah oo lamacno noqon karta ma jirtaa?Kalimada “OK” macnaheeda Afsoomaaliga waxaa ugu soo dhow kalimada “Hagaag“, laakiinse kalimada “Hagaag” looma adeegsan karo mar kasta sida kalimada “OK” oo kale.