Na Weydii Suaal

SUAAL

Kumbiyiitarada Sida Dadka Oo Kale Ma U Fikiri Karaan?

JAWAB

Waqti Xaadirkan Kumbiyiitarada Awood Uma Laha In Ay Kaligood Fikiraan, Sida Caadiga Ah Kumbiyiitarada Waala Borogaraamiyaa, Waxa Lagu Borogaraamiyo Oo Kaliya Ayuuna Sameyn Karaa Kumbiyiitarka.Sanadahaani Dambe Waxaa Soo Baxay Tiknooloji Loogu Magac Daray “Artificial intelligence” Oo Macnaheeda Ah “Caqliga Sinaaciga Ah”, Waxeyna Saynis-yahanada Aritaani Ku Doonayaan Iney Sameeyaan Kumbiyiitar Kaligii Wax Baran Kara Ama Is Borogaraamin Kara, Laakiin Illaa Iyo Hadda Si Sax Ah Looma Hormarinin Tiknoolojiyadani, Hase Yeeshee Waxaa La Filayaa In Mustaqbalka Dambe Ay Ku Guuleysan Doonaan.