Na Weydii Suaal

SUAAL

Kuma Ayey Kusoo Degatay Aayada 204 Ee Suurada Al-Baqara?

JAWAB

Waxaa Ay Kusoo Degatay Nin La Oran Jiray ‘Al-Akhnas Binu Shureyq (الأخنس بن شريق)

Al-akhnas Binu Shureyq (الأخنس بن شريق) magaciisa saxda ah waa Abuya (أبي) hase yeeshee Al-akhnas waa loogu naaneesi jiray, ninkaani wuxuu ahaa nin af mac ama qof aan is lahayn waxa uu afka ka dhaho iyo waxa qalbiga uu ka aamin sanyahay, waxuuna rasuulka u muujiyey inuu soo islaamay asigoona gaal hoos ka ahaa, wuxuuna rasuulka u yiri ‘Allaah ayaa og inaan aniga run sheegayo’ (Islaamideyda inay run tahay), kadib waxaa la sheegaa in uu cararay kadib wuxuu maray beer iyo dameero ay muslimiita lahaayeen, kadibna wuxuu gubay beertii, wuxuu kaloo gawracay dameerahii, kadib markii uu falkaasi sameeyay ayuu illaahey rasuulka kusoo dajiyey aayada 204 ee suurada Al-Baqara (سورة البقرة) iyo qayb kamid ah aayadaha ku xiga, waxaa sidoo kale la sheegaa in ninkani uu soo islaamay kadibna uu ridooway kadib markale uusoo islaamay.
Sidoo kale Ibnu Cabbaas (ابن عباس) ayaa sheegay in aayadani ay kusoo degatay qoom munaafiqiinta kamid ah kuwaasi oo ka hadlayay muslimiintii ku shahiiday duulaankii Al-Rajiic (غزوة الرجيع)