Na Weydii Suaal

SUAAL

Imisa sano ayuu noolaan karaa Maroodiga?

JAWAB

Maroodiga sida caadiga ah wuxuu noolaan karaa ku dhawaad 60 – 70 sano.

Maroodiga inta sano uu noolaan karo waxey ku xiran tahay deegaanka uu ku noolyahay iyo habka uu u noolyahay, tusaale ahaan maroodiyada ku nool ama ku xiran beeraha xoolaha inta badan cimrigooda 25 – 30 sano ma dhaafo, taasi oo ka dhigan maroodiga haduusan ku nooleyn deegaan ku haboon inta badan sanooyiinka uu noolaan karo hoos u dhac ayaa ku imaanaya.