Na Weydii Suaal

SUAAL

Waa maxay Application?

JAWAB

Application oo sidoo kale loo soo gaabiyo App waa software ama barnaamaj ku shaqeeya kumbiyiitarka, kaasi oo loo borogramiyo in uu qabto howl gaar ah, sida inuu shido media, ama in qoraal lagu edit gareeyo ama in video lagu edit gareeyo iyo waxa lamidka ah.

Barnaamaj ku shaqeeya kumbiyiitarka marka lagu leelahay waxey ka dhigantahay, dhamaan noocyada kumbiyiitarka, sida laptops-ka, mobilada iyo kuwa lamidka ah.

Warkii oo kooban application waa barnaamj loo borogramiyay inuu qabto howl gaar ah, oo noqon karta shey kasta.