Na Weydii Suaal

SUAAL

Waa maxay javascript?

JAWAB

Javascript oo sidoo kale loosoo gaabiyo JS waa luqad scripting ama borogramin ah (Programming Language) ee loo adeegsado in lagu borogramiyo kumbiyiitarka gaar ahaan website-yada.

Javascript marka ugu horeysay ee la sameeyay kaliya waxaa loo adeegsan jiray in lagu borogramiyo client-side-ka ee uu website-ka leeyahay ama browser-ka, hase yeeshee hadda javascript waxaa loo adeegsan karaa in lagu borograamiyo server-side-ka ee uu website-ka leeyahay, iyo sidoo kale dhamaan noocyada kala duwan ee applications-ka.