Na Weydii Suaal

SUAAL

Sheeg Qor’aanka Suurada Lagu Magacaabo Suuratul Xaa-ila?

JAWAB

Suurada Lagu Magacaabo Suuratul Xaa-ila (سورة الحائلة) Waa Suurada Al-Kahfi (سورة الكهف).

Xadiith uu soo saaray Imaam Bayhaqi (البيهقي) ayaa sheegaya in Rasuulka {Naxriis Iyo Nabad Galyo Korkiisa Ha Ahaatee} laga wariyey in uu yiri ((Suuratul Kahfi (سورة الكهف) Towraat waxaa loogu yaqaanaa  Al-Xaa-ila (الحائلة) {oo micnaheeda ah Tii Kala Dhexgalaysay} waxayna kala dhex gashaa qofka akhriya iyo naarta)), Xadiiskani Sheekh Albaani (شيخ الباني)  iyo culumo kale ayaa ku sheegay in uu yahay xadiis daciif ah, ayadoona sidoo kale culumo qaar ku sheegeen in uu yahay xadiis munkar ah oo aan si wanaagsan loo garanaynin qofka marka hore wariyey.